Friday, August 19, 2011
Friday, August 12, 2011
Thursday, August 11, 2011
Wednesday, August 10, 2011
Tuesday, August 9, 2011
Sunday, August 7, 2011
Saturday, July 30, 2011
Saturday, July 2, 2011
Saturday, June 25, 2011
RA'IISAL WASAARE SOMALI-AMERICAN AG OO LOO MAGCAABAY RA'IISAL WASSAARAHA CUSUB EE SOOMALIYA
Madaxwaynaha somaliya ayaa dhaqaale yahan somali-american ah u magcaabay ra'isalwasaaraha cusub ee somaliya, waxaa ladhahay ninkan havard ka qalinjabiyey waxa uu ka caawin in ladhameeyo khilaafka u dhaxeeya dawlada kaso curyamiyay wax qabadka dawlada taagta daran.
Cabdiwali, oo ka dhigu jiray maadada dhaqaalaha jaamacada naiger university, lewiston, newyork, ayaa waxa laga dalacsiyey jagadiisi oo ahayd wasiirka qorsheynta iyo xidhidhka caalamiga ah.
Madexwayne shariif ayaa ku tilmaamay cabdiwali nin nadiif ah una rajeyey inuu soo dhiso xukuumad wanaajisa xidhidhka somalida iyi beesha caalamka kadib markii is qabqabsi u dhexeya labada shariif oo mudo dheer so jiitamayey.
Cabdiwali ayaa sheegay inuu sii wadi doono siyaasadi ra'iisal wasarihii kahoreeyay , farmajo, kadib markii uu noqday hogaamiye dhab ah, mushahar joogta ahna u qoray shaqaalaha dawlada kuna guulaystay tagerada reer mugadisho.
"Waxaan balan ku qaadi in xukuumadaydu sii wadi doonto siyaasadii xukuumadii ka horaysay". Cabdiwali ayaa yidhi
Inaan musaqa baabiyo dhaqaalaha ciidankana kordhiyo waa shaqada u horaysa aan qabanaya, cabdi wali ayaa ku daray
Somali badan ayaa ka hortimi heshiiska ay tageerayso UN laguna saxiixay kampala caasimada uganda, kaas oo soo afjaray khilaafka labada shariif.
Labada hogaamiye ayaa isku khilaafsnaa waxa la qabanayo marka xilliga dawladu dhamaado. Iyadoo madaxweynuhu uu doonayey sanad in loo kordhiyo xukuumada si ay u dhamaystirto hawlaha u yaal. Halka gudoomiye shariif uu doonayey in doorashooyin laqbto 20augest.
Khilaafkii labada shariif waxa lay ku heshiiyeen 9june in dib loodhigo dooraahooyinka muddo hal sana ahna xukuumada loogu daro.
Boqolaal qof oo ay askarta dawladu ku jirta ayaa jidadka isugu soo baxay, iyagoo kahorjeeda heshiiskii kampala , labo qof ayaa ku dhimatay, askari cidamada dawlada katirsan iyo will dhow iyo toban jir ah.
Farmajo ayaa bilowgii diday inuu is casilo lakiin ogolaaday inuu is casilo isagoo sheegay inuu danta umada iyo tan qaranka isagoo egaya inuu xilka katagay.
Farmajo ayaa yidhi:" waa sharaf inaan arko nin aan aad u aqaan inuu lamagcaabay jagada ra'iisal wasaaraha".
saeed
Sunday, June 19, 2011
DHIBAATADA DADKA XERADA QAXOOTIGA DHADHAB OO SII KORDHAYSA IYADO LAGU DHAWAAQAY INAY XERADU BUUXDO
Warbixinta waxa xaquuqdeda leh BINISSAPOST
Waa duleedka xerada qaxootiga dhagaxley ee xaryaha qaxootga dhadhaab, waa meel banaan ah kana dhacayso dabayl aad u xoog badan, waxa ku yaal guryo kasamaysan maryo iyo kartoono.
Waxa meeshan jooga haween iyo caruur dhisaya guri ay kagalaan qoraxda gabadna uga helaan dabaysha xagaaga ee aad ka u xooga badan.
" waxan ka soo qaxnay afmadow," ayey tidhi mid kamid ah haween kiiguriga dhisayey iyado dhulka galinaysa geedo ay kasoo jartay duurka.
Meeshan oo dad aad u ildaran kunolyihiin ayaa waxa lagu tilmaama "buulo bakhti" taas oo micnaheedu katurjumayo dhibaatada meesha kajirta.
" waxan kasoo qaxnay bu'aale , dadka ninkii lacag haystay wuxuu soo raacay gaari intayada kale waan soo lu gaynay," salaad ayaa sheegay
Salaad oo sheegay inuu ku tiirsana xoolaha nool dhaqashadooda uuna kunoolyahay waxa kasoo galo. Ayaa yidhi:" waxan daganaa bu'aale waxaan ku tiirsana xoolaga nool wixii iga soo gala jiray , lakiin xoolihii way iga dhamaaden , abaarta ayaa dhamaysay, marka waxan go'aansaday halkan inan imaado,"
Salaad ayaa sidoo kale ku sheegay colaadaha somaliya inay ku dhiiri galiyaan dadka inay kasoo tagaan somaliya ayaa kusheegay alshabaab inay yihiin dad dadka dhiba, " waxay nadhahaan gaalo ayaa tihiin, ninkii gaalo wax kadoonta waa gaal, dadku way soo dhuuntan markay hallan imanayaan, dad ayey qabten(alshabaab) kana cesheen xadka iyagoo kahor istaagay inay yimaadan halkan,"
Salaad ayaa sidoo kale sheegay hay'ada UN-TA inay wax la taaban kari kahelin:" waxay nasiiyeen bacdan aad arkayso, waxa kagalna qoraxda iyo dabaysha, waxaan joognaa labo bilood meeshan waxan ku saxaroona banankan shalay ayey musqushab aad arkayso noo dhiseen,"
Salaad ayaa sidoo kale wadada ay soo mareen kutlmamay mid cabsi leh
saeed sheekeye
Thursday, June 16, 2011
DUMARKA SOMALIYA IYO DHIBAATADA AY WAJAHAYAN THE GAURDIAN AYAA WARBIXINTAN KA QORTAY
Fadumo cisman bulle waxay ku nooshahay camp dadka gudaha barakacay dagenyihiin magaalada muqdisho, gurigeeda oo kasamaysan dhar iyo ulo ayaan lahatn koronto biyo iyo musqul toona, iyada iyo odayggeeda, todoba caruur ah ay dhaleen iyo saddex qaraabadooda ah ayaa waxay isku cidhidhiyaan gurigoodan halka wol ah.
" waxan dareema inan ahay xubinta u qiima hoosaysa qoyska," faduma ayaa tidhi " waxan ahay qofka loogu ixtiraam xunyahay guriga,"
Faaduma ayaa wajahday kufsi, jirdil, iyo khasab ay kala kulantay dad ay horay ugu shaqayn jirtay, iminka waxay hesha 40$ oo ay ka hesho shaqo ah nadagad guryaha iyo cunto karin
"Dhibaatadan waxay bilaabatay anigoo caruur ah, waxa lay guday anigoo shann jir ah waana dhaawac aan waligii iga harayn, waxa lay shaqaalaysiyey anigoo caruur ah, waxana laygu qasbay guur waligay school matagin," ayey the gaurdian u sheegtay
Maqorto mana akhriso, caruurtedanu mahaysto kalmo waxbarasho mustaqbal koodu waa "mugdi" ayey tidhi
Dagaalada, cabsi kufsi joogta ah, daryeel xumo caafimaad iyo baahiyaha asaasiga ah iyo iyado darajadoodu dhaqan ahaan hosayso, waa dhabta ay wajahaan dumarka somalida , cod malahan mana la qadariyo.
Faduma isaaq axmed, 30, waa hooyo shan caruur ah leh, waxay cabiraysaa d dihaalka iyo dhibaatads dumarka iyo caruurta somaliyeed.
" waa shaqeya dharka ayaan dhaqaa, " ayey tidhi, mahelo shaqo joogta ah, nasiib kay ayaan sugaa , lakiin lacagta aan helo waa hal dolar ama kayar."
" saddex caruurtayda kamid ah way tugsadaan. Wadooyinka ayey ka tuug sadaan haday wax soo helaan faynuusta ayaan habeenkii ku isticmaalna hadii kalena waxan seexana mugdiga dhexdiisa,"
Fadumo waxa kaloo kagu sameyey gudninka fircooniga ah guur khasab ah.
Faadumo waxay ku soo kortay agoonimo waxana lagu khasbay inay guursato ina adeerked marjay 14 jirsatay." Wuxuu dhintay markaan labo caruur ah laheyn, waxaba laygu khasbay walalkii ka yar oo iminka ninkayga ah. Wuu igaraaca xilli kasta,"
" nin ayaa I xoogay anigoo 13jir ah, waxa na lay xoogay labo mar oo kake xilli nin kaygu maqnaa,"
Waxa ay ka warwarsantahat saddexdeeda gabdhod, kywaas oo wax rajo ah kalaheyn inay iskuul tagaan.
Dhibaatooyinka dumarka lagu hayo, soomaliya waxay tahay wadanka ugu badan ay kadhacaan africa, sida laga soo xigtay urutka horumarinta haweenka somaliyeed, kaas oo caawimad I fodita dhibanayasha.
Nadiya sufi cabdi guddomiuaha ururkan qaybtiisa Xaquqda aadamiga Ayaa waxay ku tilmsmtay wadanka "cadaabta haweenka ee aduunka korkiisa"
Waxay tidhi:" dumarka somalisu kuma faraxsana inay dumar u yihiin wadankan, min bilow ilaa dhamaad way ku dhibaataysan yihiin,"
" dagaalada, kufsiga, dilka iyo afduubku wuxuu noqday wax caadi ah nolosha haweenka soomaliyeed,"
saeed sheekeye
Wednesday, June 15, 2011
QARAMADA MIDOBAY O SHEEGTAY IN AANAY KU HAYN GACANTA KALABADH LACAGTA AY KA CIDSATAY ADUUNKA SIDAY UGU LA TAACAASHO ABAARAHA GEESKA AFRICA
Inkastoo aytahay sanadkii ugu qalaylbadnaa geeska africa muddo 15 sano ah, ayna khatar kujirto hab nololeedka malaayin kunol gobolka, misaaniyada gaarka ayaa 50% oo wor ah lehelay.
Sida laga soo xigtay OCHA" 2011 waa sanadkii ugu qalalka badnaa geeska afrika ilaa iyo 1995 iyadoy abaartuna tahay khatarta ugu weyn iyadoon wax kasoi rayn ah lafilayn ilaa iyo bilowga,"
OCHA ayaa sheegtay tidhi dadka" xalada nolaleed oo aad u daran," taas ay kuqiyaastay hay'adu 8.8million wakgtigl xaadirkan, iyadoona lafilayo inay kor u kacdo bilahan soo socda, xaakada guud ee cuntaduna ay kasii darayso.
" kudhowaad $1.293billion ayaa lug qiyaasay in loo bahanyahay Sida ay ku waramayaan hay'adaha gaarka iyi dawladaha djibuti, somaliya, ethiopia iyo kenya, inkudhow $671million oo lacagtalii loo baahnaa ah waa lahelay taas io macnaheedu yahay 51% lacagtti loo bahnaa In lahelay," OCHA ayaa tidhi
Hay'ada ayaa sheegtay in lacagtan lagu bixin dona adegyada aykamidyihiin, nafaqaynta, naadafada, biyaha iyo nadaafada iyo qabka nololed.
saeed sheekeye
Tuesday, June 14, 2011
Qaxootiga somalida ee kenya oi dhibaataysan
Tobanan kun oo qaxooti ah ayaa macaluul ba'an ku hayso xareda qaxootiga dhadhaab, kadib markii ay kasoo qaxeen somaliya.
Camp ka qaxootiga aduunka ugu weyn ayaa buxsamay, taas oo kentay khatar ah inay tobonan kun oo caruur ah sii wajahdi nafaqo daro, biyo la'aan iyo hoy la' aan, sida ay sheegayan ilo caafimaad.
Dhadhaab, waa magaalo dhacda merk saxara ah ayna kunool yihiin dad lagu qiyaasay inay garaan 450,000 dhamaadka sanadkan, yaa waxa laga wayey meel ladago, sida lagasoo xigtay(medicines sans frontieres) ama MSF.
Caruur laga lasoo qaxay wadanka dariska ah ah ee soomaliya ayaa waxa haysta hoy la'aan iyo waliba cunta la'aan iyadooba lasheegay inay khtar ugu jiraan inay balaha duur joogta ah cunuun .
"Mahaysano waxan guryo kadhisano," fuduma, oo sodon iyo afar jir muqdisho kaso qaxday ah ayaa MSF u sheeegty
" waa meel aan amman ahayn habeenkii,waxaan kacabsanaa xayawaanada duurjoogta inay caruurta naga cunaan, , carur ayaa xitaa dhurwa cunay wayo wax gabati ah mahaysano, dadka deegankuna waxay noogu hanjabaan dhulka annaga ayaa leh,"
Dadkan waxay ku xanibanyihiin saxara aan dhirta lahayn ee waqoyi bari kenya, iyado ku hadhedhaysan ciid iyo fhir gaagaban, qaxootiga badankiisa oo ah dumar iyo caruur ayaa wqxay meesha soo iyagoon lacag , cunto, hoy iyo waliba biyo toona wadan.
MSF ayaa sheegtay muddo 12malmood ah inay dadkan kadhka cuntada lagu qaato ku helayaan, iyado ku dartay muddo 34 cisho ah gudaheeda inay ku helayaan weel iyo bustayaal ugu qaybindoonto hay'da qaxootiga aduunka UN, taas oo maamusha camps ka.
Qaybtii ugu damaysay ee dhulka qaxootiga waxaa ladagay 2008, modada kadib dadka qaxootiga cusu waxaa khasab ku noqotay, inau raadsadaan meel ay dagan iyago kadhisanat buulal. Waxay isticmaalan lamaha iyo caleemaha dhirta iyagoo isku xidhaya una samaynaya qaabka qudbiga karkana ka awdaya kartoono.
UN- ta ayaa 2008 ku dhawaaqday inayn wax qacooti cusub ah meel u hayn, lakiin dagaalada iyo abaartii ugu xumayd sanado ayaa 44,000 oo qaxooti somali ah ku khasabtay inay soo gadhaan dhadhab tan iyo billowgii sanadkan.
Joke van petegham, madaxa hawgalada MSF kenya, ayaa alert net u sheegay:"campku gabi ahaan wuu buuxaa, dadkuna wali way imanayaan manahaystaan meel ay dagaan, taas oo micnaheedu yahay, mahaystaa biyo iyo adeegyada kale.
" waxs jira dad badan oo banaanka xerada fadhiya, iyagoon haysan wax caawinaad ah,"
Dadka camp imanaya way xanuunsan qoydku 60% waayo waxag soo fhexmareen saxaraha maalmo badan.
"Dadka, gaar ahaan carurta dhan ka yar aad ayey u ildaran yihiin jifh ahaan, " van petegham ayaa yidhi" waxaan helayna caruur aad u nafawodaran," "hadii ay ku qaadanayso asbuuc siday kuheli lahayaan cunto iyo daryeel caafimaad, runti xaladoodu way sii xuman,"
Dhadhab waa xero kakooban saddex qaybood, ifo, dhegaxlay iyo xagadheer, waxa la asaasay 20 sano kahor si ay u dagan si ay u dagaan 90,000 oo qof, kordhinta ama ballaadhinta wali laguma guulaysan kadib markii ay burbureeb wada hadalo u dhexeeyey dawlada kenya iyo UNta.
" qaxooti badan ayaa soo socda wali," nens arneldo, MSF nurse ayaa tidhi" waxaan gaadhnay heer qarxid, lakin wali dadku way soo badanaaan.wali xaalad bani aadinimo oi degdeg ah.
saeed sheekeye
Sunday, June 12, 2011
Saturday, June 11, 2011
Somalida maraykanka oo ka dhiiyey warka sheegaya in wiil somali american ah isku qarxiyey muqdisho
War in nin reer minasota ah uu tagay mid kamid ah labo is qarxiye oo weerar ku qaday meel bar kaantarol ayaa argagax ku noqday somalida maraykanka.
FBI waxay ay xaqijeyeen in maxamed faara beledi lagu magcaabo kadib marki fara laga baaray.
Waxa wax layaab ah ku noqoto dadka maraykanka in todoba iyo labatan jirka maxamed fara beledi uu muqdisho isku qarxiyeey.
Beledi oo reer minnasota ah wuxuu kujiray baritaano FBI ku haysay gilgilkii caanka ahaa ee argagixasadu ku qorabaysay ragga da'yarta ee magalooyinka mataanaha ah.
"Marka soomalidu maqalaan qof ayaa is qarxiyey dadku way argagaxayaan waayo waa wax kasoo horjeeda dhaqanka islaamka iyo kan somaalida." Waxa yidhi xarbi xasan oo dagan manketo
Wa wax dhaqanka soomalidu aqbalayn,
Waa dhib somalida ku cusub, mahadsanid alshabaab, waa koox samayn ku yeelatay dhalinta bariga-dhexe iyo tan bariga africa,
Qorshahan waa mid ku faafay dhankasta minnasota.
"Waxa nahelay cudur goorta iyo meesha uu kayimid aansn ogayn waayo dhaqan u malihin maahan is qarxis iyo wixii lamid ah waxay somali dhaqan u leedahay,"xarbi xassan
Lkn dad badan, oo u badan da'yarta ayaa qaatay waxa.
"Waxan umalayn dad badan ayaa layaaban, siday dhalintan u badaleen, waa qaab caynkee ah, farsamo caynkee ah ayey isticmaali? Waa wax khatar ah inad abuurto qaabkan is haligida ah, inaad socoto ood naftaada qarxiso," xassan
Xarbi wuxu digniin u soo jeeday dadka oo kacodsaday inay diktoonadaan wada shaqayna dawlada u muujiyan
"Runtii waa wax cadho leh lakiin uma malaynayo inay somalida maraykanka un u tal lakiin waa mid muslimiinta america oo dhan u tala waa inay kawada shaqeeyaan," xasan ayaa ku soo gabagabeeyay
FBI waxay ay xaqijeyeen in maxamed faara beledi lagu magcaabo kadib marki fara laga baaray.
Waxa wax layaab ah ku noqoto dadka maraykanka in todoba iyo labatan jirka maxamed fara beledi uu muqdisho isku qarxiyeey.
Beledi oo reer minnasota ah wuxuu kujiray baritaano FBI ku haysay gilgilkii caanka ahaa ee argagixasadu ku qorabaysay ragga da'yarta ee magalooyinka mataanaha ah.
"Marka soomalidu maqalaan qof ayaa is qarxiyey dadku way argagaxayaan waayo waa wax kasoo horjeeda dhaqanka islaamka iyo kan somaalida." Waxa yidhi xarbi xasan oo dagan manketo
Wa wax dhaqanka soomalidu aqbalayn,
Waa dhib somalida ku cusub, mahadsanid alshabaab, waa koox samayn ku yeelatay dhalinta bariga-dhexe iyo tan bariga africa,
Qorshahan waa mid ku faafay dhankasta minnasota.
"Waxa nahelay cudur goorta iyo meesha uu kayimid aansn ogayn waayo dhaqan u malihin maahan is qarxis iyo wixii lamid ah waxay somali dhaqan u leedahay,"xarbi xassan
Lkn dad badan, oo u badan da'yarta ayaa qaatay waxa.
"Waxan umalayn dad badan ayaa layaaban, siday dhalintan u badaleen, waa qaab caynkee ah, farsamo caynkee ah ayey isticmaali? Waa wax khatar ah inad abuurto qaabkan is haligida ah, inaad socoto ood naftaada qarxiso," xassan
Xarbi wuxu digniin u soo jeeday dadka oo kacodsaday inay diktoonadaan wada shaqayna dawlada u muujiyan
"Runtii waa wax cadho leh lakiin uma malaynayo inay somalida maraykanka un u tal lakiin waa mid muslimiinta america oo dhan u tala waa inay kawada shaqeeyaan," xasan ayaa ku soo gabagabeeyay
Subscribe to:
Posts (Atom)












