Thursday, June 16, 2011

DUMARKA SOMALIYA IYO DHIBAATADA AY WAJAHAYAN THE GAURDIAN AYAA WARBIXINTAN KA QORTAY


Fadumo cisman bulle waxay ku nooshahay camp dadka gudaha barakacay dagenyihiin magaalada muqdisho, gurigeeda oo kasamaysan dhar iyo ulo ayaan lahatn koronto biyo iyo musqul toona, iyada iyo odayggeeda, todoba caruur ah ay dhaleen iyo saddex qaraabadooda ah ayaa waxay isku cidhidhiyaan gurigoodan halka wol ah.

" waxan dareema inan ahay xubinta  u qiima hoosaysa qoyska," faduma ayaa tidhi  " waxan ahay qofka loogu ixtiraam xunyahay guriga,"

Faaduma ayaa wajahday kufsi, jirdil, iyo khasab ay kala kulantay dad ay horay ugu shaqayn jirtay, iminka waxay hesha 40$  oo ay ka hesho shaqo ah nadagad guryaha iyo cunto karin

"Dhibaatadan waxay bilaabatay anigoo caruur ah, waxa lay guday anigoo shann jir ah waana dhaawac aan waligii iga harayn, waxa lay shaqaalaysiyey anigoo caruur ah, waxana laygu qasbay guur waligay school matagin," ayey the gaurdian u sheegtay

Maqorto mana akhriso, caruurtedanu mahaysto kalmo waxbarasho mustaqbal koodu waa "mugdi" ayey tidhi

Dagaalada, cabsi kufsi joogta ah, daryeel xumo caafimaad iyo baahiyaha   asaasiga ah iyo iyado darajadoodu dhaqan ahaan hosayso, waa dhabta ay wajahaan dumarka somalida , cod malahan mana la qadariyo.

Faduma isaaq axmed, 30, waa hooyo shan caruur ah leh, waxay cabiraysaa d dihaalka iyo dhibaatads dumarka iyo caruurta somaliyeed.

" waa shaqeya dharka ayaan dhaqaa, " ayey tidhi,  mahelo shaqo joogta ah, nasiib kay ayaan sugaa , lakiin lacagta aan helo waa hal dolar ama kayar."

" saddex caruurtayda kamid ah way tugsadaan.  Wadooyinka ayey ka tuug sadaan haday wax soo helaan faynuusta ayaan habeenkii ku isticmaalna hadii kalena waxan seexana mugdiga dhexdiisa,"

Fadumo waxa kaloo kagu sameyey gudninka fircooniga ah guur khasab ah.

Faadumo waxay ku soo kortay agoonimo waxana lagu khasbay inay guursato ina adeerked marjay 14 jirsatay." Wuxuu dhintay markaan labo caruur ah laheyn, waxaba laygu khasbay walalkii ka yar oo iminka ninkayga ah.  Wuu igaraaca xilli kasta,"

" nin ayaa I xoogay anigoo 13jir ah, waxa na lay xoogay labo mar oo kake xilli nin kaygu maqnaa,"

Waxa ay ka warwarsantahat saddexdeeda gabdhod,  kywaas oo wax rajo ah kalaheyn inay iskuul tagaan.

Dhibaatooyinka dumarka lagu hayo, soomaliya waxay tahay wadanka ugu badan ay kadhacaan africa, sida laga soo xigtay urutka horumarinta haweenka somaliyeed, kaas oo caawimad I fodita dhibanayasha.

Nadiya sufi cabdi guddomiuaha ururkan qaybtiisa Xaquqda aadamiga Ayaa waxay ku tilmsmtay wadanka "cadaabta haweenka ee aduunka korkiisa"

Waxay tidhi:" dumarka somalisu kuma faraxsana inay dumar u yihiin wadankan, min bilow ilaa dhamaad way ku dhibaataysan yihiin,"

" dagaalada, kufsiga, dilka iyo afduubku wuxuu noqday wax caadi ah nolosha haweenka soomaliyeed,"

saeed sheekeye

No comments:

Post a Comment