Sunday, June 19, 2011

DHIBAATADA DADKA XERADA QAXOOTIGA DHADHAB OO SII KORDHAYSA IYADO LAGU DHAWAAQAY INAY XERADU BUUXDO



Warbixinta waxa xaquuqdeda leh BINISSAPOST

Waa duleedka xerada qaxootiga dhagaxley ee xaryaha qaxootga dhadhaab, waa meel banaan ah kana dhacayso dabayl aad u xoog badan, waxa ku yaal guryo kasamaysan maryo iyo kartoono.

Waxa meeshan jooga haween iyo caruur dhisaya guri ay kagalaan qoraxda gabadna uga helaan dabaysha xagaaga ee aad ka u xooga badan.

" waxan ka soo qaxnay afmadow," ayey tidhi mid kamid ah haween kiiguriga dhisayey iyado dhulka galinaysa geedo ay kasoo jartay duurka.

Meeshan oo dad aad u ildaran kunolyihiin ayaa waxa lagu tilmaama "buulo bakhti" taas oo micnaheedu katurjumayo dhibaatada meesha kajirta.

" waxan kasoo qaxnay bu'aale , dadka ninkii lacag haystay wuxuu soo raacay gaari intayada kale waan soo lu gaynay," salaad ayaa sheegay

Salaad oo sheegay inuu ku tiirsana xoolaha nool dhaqashadooda uuna kunoolyahay waxa kasoo galo. Ayaa yidhi:" waxan daganaa bu'aale waxaan ku tiirsana xoolaga nool wixii iga soo gala jiray , lakiin xoolihii way iga dhamaaden , abaarta ayaa dhamaysay, marka waxan go'aansaday halkan inan imaado,"

Salaad ayaa sidoo kale ku sheegay colaadaha somaliya inay ku dhiiri galiyaan dadka inay kasoo tagaan somaliya ayaa kusheegay alshabaab inay yihiin dad dadka dhiba, " waxay nadhahaan gaalo ayaa tihiin, ninkii gaalo wax kadoonta waa gaal, dadku way soo dhuuntan markay hallan imanayaan, dad ayey qabten(alshabaab) kana cesheen xadka iyagoo kahor istaagay inay yimaadan halkan,"

Salaad ayaa sidoo kale sheegay hay'ada UN-TA inay wax la taaban kari kahelin:" waxay nasiiyeen bacdan aad arkayso, waxa kagalna qoraxda iyo dabaysha, waxaan joognaa labo bilood meeshan waxan ku saxaroona banankan shalay ayey musqushab aad arkayso noo dhiseen,"

Salaad ayaa sidoo kale wadada ay soo mareen kutlmamay mid cabsi leh

saeed sheekeye

No comments:

Post a Comment