Saturday, June 25, 2011
RA'IISAL WASAARE SOMALI-AMERICAN AG OO LOO MAGCAABAY RA'IISAL WASSAARAHA CUSUB EE SOOMALIYA
Madaxwaynaha somaliya ayaa dhaqaale yahan somali-american ah u magcaabay ra'isalwasaaraha cusub ee somaliya, waxaa ladhahay ninkan havard ka qalinjabiyey waxa uu ka caawin in ladhameeyo khilaafka u dhaxeeya dawlada kaso curyamiyay wax qabadka dawlada taagta daran.
Cabdiwali, oo ka dhigu jiray maadada dhaqaalaha jaamacada naiger university, lewiston, newyork, ayaa waxa laga dalacsiyey jagadiisi oo ahayd wasiirka qorsheynta iyo xidhidhka caalamiga ah.
Madexwayne shariif ayaa ku tilmaamay cabdiwali nin nadiif ah una rajeyey inuu soo dhiso xukuumad wanaajisa xidhidhka somalida iyi beesha caalamka kadib markii is qabqabsi u dhexeya labada shariif oo mudo dheer so jiitamayey.
Cabdiwali ayaa sheegay inuu sii wadi doono siyaasadi ra'iisal wasarihii kahoreeyay , farmajo, kadib markii uu noqday hogaamiye dhab ah, mushahar joogta ahna u qoray shaqaalaha dawlada kuna guulaystay tagerada reer mugadisho.
"Waxaan balan ku qaadi in xukuumadaydu sii wadi doonto siyaasadii xukuumadii ka horaysay". Cabdiwali ayaa yidhi
Inaan musaqa baabiyo dhaqaalaha ciidankana kordhiyo waa shaqada u horaysa aan qabanaya, cabdi wali ayaa ku daray
Somali badan ayaa ka hortimi heshiiska ay tageerayso UN laguna saxiixay kampala caasimada uganda, kaas oo soo afjaray khilaafka labada shariif.
Labada hogaamiye ayaa isku khilaafsnaa waxa la qabanayo marka xilliga dawladu dhamaado. Iyadoo madaxweynuhu uu doonayey sanad in loo kordhiyo xukuumada si ay u dhamaystirto hawlaha u yaal. Halka gudoomiye shariif uu doonayey in doorashooyin laqbto 20augest.
Khilaafkii labada shariif waxa lay ku heshiiyeen 9june in dib loodhigo dooraahooyinka muddo hal sana ahna xukuumada loogu daro.
Boqolaal qof oo ay askarta dawladu ku jirta ayaa jidadka isugu soo baxay, iyagoo kahorjeeda heshiiskii kampala , labo qof ayaa ku dhimatay, askari cidamada dawlada katirsan iyo will dhow iyo toban jir ah.
Farmajo ayaa bilowgii diday inuu is casilo lakiin ogolaaday inuu is casilo isagoo sheegay inuu danta umada iyo tan qaranka isagoo egaya inuu xilka katagay.
Farmajo ayaa yidhi:" waa sharaf inaan arko nin aan aad u aqaan inuu lamagcaabay jagada ra'iisal wasaaraha".
saeed
Labels:
None
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment